Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

Welcome LE"O MESSI

Andrés Iniesta Lionel MESSI qiso jaceyl

Create your Site.

taariikh da ciyaar yahan leonel messi  .... fc barcelona .

.waxaan idiin soo gudbinaa barnaamijkeena tariikhda, oo aan kaga faaloona ciyaartoyda tariikhda ku leh kubada cagta kuwii hore iyo kuwa haatan, maanta waxaan ku soo qaadan doonaa ciyaaryahankii xalay ku guuleystay abaalmarinta FIFA Ballon d’Or Lionel Mess, Maxaad ka taqanaa Noloshii Lionel Messi?

Messi markii ugu horeysay ee uu kubad laado waxa uu ahaa 4 sanno jir, waxaana xiligaasi lagu daray koox ay laheed iskuulkii uu dhigan jiray, lakiin Messi ayeeyadiis ayaa diidi jirtay inuu kubad ciyaaro madaama uu aad uga yaraa wiilashii kale ee kooxda u ciyaari jiray. Lakiin kooxda ayaa ku guuleysatay inay ka dhaadhiciyaan Messi ayeeyadiis inay u fasaxdo inuu ciyaaro kubada cagta.

Lopez oo ka mid ahaa dhalintii waagaas la ciyaari jirtay Messi oo ka sheekeynaya ayaa yiri “ Markii ugu horeysay ee aan soo kaxeynay Messi si fiican uma uusan ciyaarin wuxuu iska fariistay meel gees ah isagoo ku ciyaarayay dhagxaan, lakiin mar baa kubadu ay agtiisa timid inta uu istaagay ayuu kubad si wacan u qaatay islamarkaana bilaabay inuu xariiftamo taasoo nagu nooqtay mucjiso”.

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri “ Ma uusan dhalin maalintaas wax gool ah lakiin ciyartii labaad ayuu gool inoo dhaliyay wixii intaasi ka danbeeyayna qofna ma celin Karin. Qof walba wuxuu isku dayi jiray inuu Messi ka horyimaado si uu u celiyo. Messi wuxuu u muuqday qof sawir maskaxda ku heysta islamaraakan raba inuu ku dabaqo sawirkaasi garoonka dhexdiisa oo uu run u bedelo. Waa ku dhashay xariifnimadaasi ee mahan wax qof la bari karo”.

Macalimiintiisa iskuulka oo ka sheekeynayay Messi ayaa sheegay inay arki jireen maalin kasta xilliga nasashada (break time) isagoo kubad ku ciyaaraya qasaca Kokokoolaha laga dhameysto waxaana marka uu xaafadiisa tago uu baleejeen jiray kubada halka walaalhihis ay ku ciyaari jireen wax yaalo kale.

Macalinkiisa xisaabta Andrea Sosa oo ka sheekeynayay Messi ayaa Yiri “ Xisaabta kuma uusan fiicneen inkasta uu sameyn jiray shaqada loo diro lakiin xusuusta hadii aan dib ugu laabto waxaan arki jiray isagoo qasaca kokokoolaha laadaya inta uu dhex socdo class yada, xisadiisa PE ee ciyaartana waaba uu ku fiicnaa wxuu heli jiray 10/10”.

Dadka yaqaana Messi waxa ay inta badan sheegaan inuu yahay mid aad u xishood badan oo mar dhif dhif ah hadla, waxaana uu ahaa mid aad u gaaban kana gaaban dhalinta ay isku da’da ahaayeen, lakiin waxa ay macalimiintiisa ku amaaneen sida uu daacada u ahaa iyo sida uu u texgelin jiray dad ka kale.

Messi Oo La Sawiran Kooxda Iskuulkiisa

Macalin ka PE u dhigi jiray Messi ayaa ka sheekeynaya ciyaar uu Messi kula yaabay “ mar ayaa waxaan xusuustaa Messi oo kubad ka soo dhex qaatay bartamaha la soo dhex maray daafacyada ayaa waxaa ka soo hor baxay gool hayaha, waana ay isku dhaceen inkastoo Messi uu kubada sii qaatay, lakiin ma uusan dhalin kubada madaama shaqaba uu eber ahaa wuxuu u soo laabtay gool hayaha si uu u hubiyo in ay wax gaareen iyo in kale”.

Messi hooyadii iyo aabihii ma aysan aheyn kuwa ladan, waxa ay hooyadii aheyd nadiifiso halka aabihii uu ka shaqeyn jiray warshad soo saarta birta, lakiin waxaa Messi soo gacan qabtay ayeeyadiis iyo habar yartiis kuwasoo ku dhiira geliyay inuu kubada cagta sii wato.

Maamulaha Iskuulkii uu dhigan jiray Messi oo ka sheekeynaya xilli uu goor dhow soo booqday Messi Iskuulkiisii hore ayaa yiri “ Habar yartiis oo wiilkeeda uu Iskuulka haatan dhigto ayaa I soo wacday waxa ay ii sheegtay inuu Messi ina soo booqnaya, markii uu yimid ciyaalkii oo dhan waaa ay ku ordeen buuq iyo sawaxan ayaaa dhashay iyagoo ku qeylinayay magaca Messi, wuxuu sawiro la galay dhamaan caruurtii iskuulka wuuna la hadlay, weli waxaa ka muuqday xishoodkii oo waxaa moodaa Messigii hore ee iskuulka dhigan jiray inta badan kama ag dheereyn garabka habar yartiis waxaana iskuulka uu ka tagay xilli danbe”

Isagoo Maamulaha hadalkiisa sii wata wuxuu yiri “ Maalintii danbe ayaa waxaa I soo wacday habar yartiis waxay ii shegtay inuu Messi doonayo inuu lacag ugu deeqo Iskuulka, waxaan islahaa wuxuu idiin siin doonaa 500 pesos oo u dhiganta 200 doolarka mareykanka ah, lakiin waxa uu Messi ina siiyay 7500 Euro waxaana ku qalabeynay iskuulka”.

Messi waxaa uu kooxdiisa u dhalinayay 100 gool xilli ciyaareed kasta sida ay sheegeen ragii la soo ciyaaray iyo macalimiintiisaba, lakiin markuu 9 jir ahaa waxaa soo foodsaaray caqabad oo waxaa la ogaaday inuu hayo cudurka gaabnida micnaha waxaa ku yar hormone ka korista taasoo ka dhigtay inuu noqdo qof aad u gaaban.

Dhaqtarkii xiligaasi daawanayay oo la yiraahdo Dr Diego Schwarzstein ayaa ka sheekeynaya “ baaritaankii ugu horeeyay ee aan messi ku sameeyay ayaan ogaaday in hormone ka korista uu ku yar yahay islamaraakan loo baahan yahay in hormone kaasi lagu duro si uu koriimo u sameeyo, dabcan ma aheyn wax hal sanno lagu qaban karay lakiin waxaan bilownay inaan ku durno cirbado”.

“bilowgii anigaa ku duri jiray, ka dibna hooyadiis ayaa duri jirtay maalin kasta, waqtigii danbana isagaa is duri jiray, waxaan cabiri jiray dherarkiisa markasta, da’daas uu jiray waxaa ka filan kartaa in dhererkiisa uu sanad kasta ku darsano 4 sintiimitir lakiin isaga intaas wuu ka yaraa koriinkiisu, inkastoo waqtigii danbe dhibaato ay timid sababtoo ah cirbad kasta waxa ay qiimaheedu aheyd 500 doolarka mareykanka waxaana ka bixin jirtay dowlada Argentina, wagaas waxaa dhacay dhaqaalo xumo lacagtiina Messi waa laga goostay”.

Messi markii uu wayay dawadii uu qaadan jiray, ayaa waxaa qoyskiisa la soo xiriirtay kooxda Barcelona oo sheegtay inay rabto inay tijaabiso si ay ugu darsato akademigeeda ay ku soo saaraan ciyaartoyda, qoyskiisa ayaa ka fariistay waxayna go’aan sadeen inay Barcelona u guuraan si Messi looga caawiyo koriinshaha looguna dhameystiro cirbadaha uu u baahnaa.

Barcelona ayaana ka caawisay Messi inuu koriinshiiisa uu wax ku darsamo waxaana laga bixiyay wixii cirbado ahaa intuu uu ku jiray akademiga Barcelona, lakiin dhaqaalihii ay Messi galiyeen waa ku faa’ideen waa isaga u qaaday koobab badan noqdayna ciyaaryahanka caalamka ugu fiican markii labaad.........

MAXAY KA QOREEN WARGEYS KA SPORT LEO MESSIIII...

Wargeyska Ingariiska ee Daily Telegaraph aya soo uruuriyay hadaladii ugu badnaa ee laga yiri Leo Messi guud ahaan intii uu kubada ciyaarayay kuwii ugu fiicnaa ama ugu qosolka badnaa, waxaana hadaladaasi oo tiro badnaa aan ka soo qaadanay qaar ka mid ah oo ay sheegeen rag caan ku ah kubada cagta caalamka.

Messi ayaa ku guuleystay dhawaan laacibka adduunka waxaana fekrado kala duwan laga dhiibtay aduunka oo idil inuu abaalmarintan u qalmay iyo in kale hadaba dib aan u fiirino hadalada laga yiri ciyaaryahan waqtiyadii kala duwanaa ee uu soo ciyaaray.

Arsène Wenger (Arsene Wenger oo mar ka hadlayay sida uu u arko Leo Messi).

“Messi waa sida PlayStation. Waxa uu ka faa’ideysan karaa qalad kasta oo aad sameyso. wuxuu leeyahay awood u gaar ah. 6 sanno iyo 7 sanno hada ka dib ayaa weli hortiisa ah oo laacib ahaan doono, wuxuna gaari karaa meelo aan la rumeysan karin.”

Ossie Ardiles (1978dii ayuu xulka Argentina koob aduun u qaaday)

“Messi caalamkan meel ka baxsan ayuu ka yimid. Waxaan dhihi karaa saa’id ayuu uga horeeyaa ciyartoyda hada ciyaarta xitaa taariikhda kuwa soo maray qaarkood wuu ka horeeyaa, ma jiraan ereyo lagu sharxo ninkaan”

Hristo Stoichkov (Wuxuu garab uga ciyaari jiray xulka Bulgaria)

“Mar waxay i dhihi jireen ninkaan bistoolad lee lagu celin karaa lakiin hadii aad rabtid inaad Messi celisid waa inaad qoriga darandooriga u dhaca soo qaadataa (machine gun)”

Luis Figo

“Aniga ahaa inaad daawato Messi waa raaxo, waa sida raaxada aduunka oo kale, waa raaxo aan macquul aheyn”

Diego Maradona

“Waxaan arkay ciyaaryahan booskeyga Argentina buuxin kara waana Lionel Messi, waa mucjiso xitaa intaas in ka badan wu noqon karaa”

Ronaldinho

[Ronaldinho wuxuu hadalkan yiri markuu aqbalayay abaalmarinta Ballon d’Or ee 2006] “Abaalmarintan waxa ay leedahay aniga ayaa ah laacibka adduunka ugu fiican lakiin laacibka Barcelona ugu fiican maahi”

“Leo Messi waxa uu xasuusiyaa Maradona, labadooda lugta bidix ayay ku ciyaaraan waana isla gaaban yihiin. Messi ayaa ah laacibka aduunka ugu fiican oo ay sii racaan Kaka iyo Cristiano Ronaldo. Maalin maalin maha ka mid ah waxaana ka sheekeyn doonaa inaan u soo joogay in mucjisada kubada cagta ay agteeda ku dhalatay waana Leo Messi”.

José Aurelio Gay [Tababaraha Real Zaragoza oo ka hadlaya guuldaradii dhaweyd ee 4 -2]

“Caawa waxaan arkay Diego Maradona, erey ii haray oo aan ku sharxi karo ma leh, Barcelona waan ka badin karnay lakiin marna kama badin karno Leo Messi. Hadii afar gool aan dhalin laheyn wuxuu dhalin lahaa 12 gool”

Ander Herrera [Kubad sameeyaha Real Zaragoza oo isna habeen kaas hadlay]

“runtii ma hubo inuu bani’aadam yahay”

Luiz Inacio Lula da Silva [Madaxweynihii Brazil]

“Markaan arko Messi – oo ah laacibka adduunka ugu fiican feker ahaanteyda markuu kubad uu qasaraiyo wuu cararaa ilaa uu soo qabto ama qalad uu galo lakiin wiilasheena hadii kubada dhumiyaan garbaha ayay raariciyaan”

Marcello Lippi (Lippi ayaa mar wax laga weydiiyay cida uu u arko inay adduunka ugu fiican tahay jawaabtiisa waxa ay aheyd]

“The best? Messi.”

 Ugu Danbeyn isaga muxuu yiri:

Lionel Messi

“Diego  waa  Diego aniga ahaana waa laacibkii ugu qatarsanaa caalamka abid. Xitaa hadii aan dadaalo hal milyan oo sanno ma ku dhaawanayo Maradona. Maskaxdeyda ma ku jirto inaan is barbar dhigo Maradona. Waxaan rabaa inaan sameysto taariikh ii gaar ah oo ku dhisan waxaan kasbado”........

Lionel Messi Biography Lionel Messi Biography

 

Listing Site Updates

Under one of these subheadings, it's a good idea to list recent updates to my site so that visitors, especially return visitors, can check out the new stuff first. For example, I could list the date and a brief description of the update.

I could also list updated news about my site's topic. For example, if my site were about a particular sport, I could discuss the outcome of a recent competition.

Notifying Visitors of Site Enhancements

Another idea for my home page's text is notifying visitors about the enhancements I put on my site. For example, I want visitors to sign my guestbook or fill out my survey Form E-mailer to answer questions about my site, my business, or my site's topic.

Need some extra help building your site? Here are some topics that may be helpful.

Customizing and Personalizing My Site

I might not want a large amount of text on my home page if I want to guide visitors toward my other pages. Instead of text, I can add photos or interesting links. One of the first things I would want to do is choose a template that reflects what my site is all about. Colors and themes are a great way to reinforce the message and purpose of my site.

Behind the Scenes of My Home Page

Even if I don't put much text on my home page, it's a good idea to include hidden tools that will help me promote my site, so people other than my friends and family actually see it. For example, I could add meta tags, which are hidden codes that allow search engines to find my site. I could also install stats and a counter so I know how many people are visiting. If not many are visiting, submitting my site to search engines will guide more traffic to my site.